Maqaalkan
|
Waxyaabo badan oo farxad leh ayaa ka dhacaya White Center Early Learning Initiative! Waxaanu ku faraxsanahay inaanu iclaamino in Leilani Dela Cruz uu bilaabayo Oktoobar 26 inuu noqdo Agaasimaha cusub ee WCELI. (Wax badan oo la xidhiidha ballanka Leilani ka baro www.wceli.org/news.) Dhismaha Saldhigga “Educare Learning Hub” wuxu hastaa jidkii oo wuxu dhamaanayaa dabayaaqada sannadka oo wuxu diyaar u noqon doonaa ardayda badhtamaha Febraayo. Waxa jira tababaro bixiyayaasha xanaanada carruurta iyo adeegyada dumarka uurka leh iyo hooyooyinka cusub oo ka dhacaya bulshadeena. Oo, waxa kale oo aanu si xoog leh uga shaqaynaynay dhismaha bartayada internetka, www.wceli.org. (Had iyo goor booqo wararka ugu danbeeyey WCELI, adeegyada, fasalada la b ixinayo iyo fursadaha kale.) Waxaan rajeynaynaa inaad jeclaysatay maqaalkan Cusboonaysiinta WCELI! Fadlan la wadaag jiiraankaaga iyo jaalayaasha oo na soo ogeysii sidaas wax u qabanayno!
The WCELI Update is also available in PDF format. |
|
Salaan Ka Timid Agaasimaha Cusub ee WCELI, Leilani Dela Cruz
|
Hello! Waxaan aad ugu faraxsanahay oo i-dejiyey fursaddan aan ugu soo noqday WCELI wakhti buuxa. Waxay ahayd waayo-aragnimo cajab badan in aan barto in badan oo idinka mid ah wada-shaqaynteenii markii aan ahaa Isuduwaha Qorshaynta WCELI iyo Madax-wadaaga Guddiga Latalinta Bulshada. Waxaan dhawrayaa inaan la kulmo oo is-dhexgalo kuwiina aanan weli fursad u helin inaan barto, oo waxaan sii wadi doonaa abuuritaanka iyo dhismaha wadashaqayn xooggan. Waxaan aaminsanahay itaalka (quwadda) ka jirta White Center iyo Boulevard Park oo waxaan rabnaa inaan dhammaantiin kala shaqayno dhismaha xirafdihiina iyo khayraadka si loo abuuro arrin bilow ah oo dhab ah oo ku salaysan bulshada. Wadajir ahaan waxaan ogahay inaan rumayn karno hammigeena aan wadaagno ee hagaajinta nolosha iyo fursadaha ilmaheena iyo qoysaskeena! - Leilani Dela Cruz
|
|
Fursado tabobar ah oo ka socda Khayraadka Xanaanada Ilmaha Child Care Resources
|
Laga bilaabo kaliishan (fall) ee sannadkan, Child Care Resources (CCR) waxay bixinaysaa tababorka STARS oo bilaasha ee bixiyayaasha xanaanada ilmaha ee White Center. Waxaan kafiilanaynaa laba taxane: 1) Baahida Niyadda ee carruurta yaryar iyo 2) Ciyaarta Firficoon. Casharadaas waxay ku bari doonaan oo kugu dhiirigelin shaqadaada ilmaha iyo qoysaska. Booqo www.wceli.org/classes si aad fiiriso liistada dhan ee fasalada. Haddii aad tahay bixiye ruqsad leh gudaha jiidda White Center (xadka WCELI) adiga iyo shaqaalahaagu waad iman kartaan tababaradaas lacag la’aan! Tababaradaas waxay u furan yihiin ujro yar daryeel-bixiyayaasha kale iyo bixiyayaasha ka baxsan White Center. Fadlan kala xidhiidh contact Valerie goobta CCR si aad isku sajisho iyo macluumaad dheeraad ah: 206-329-1011, ext. 259. |
|
Fursadaha Shaqada ee WCELI |
PSESD waxay haysaa laba boos oo shaqo oo hadda ka banaan WCELI, oo loo baahan yahay taageeradaada inaad naga gargaarto qoritaanka dadka ugu kartida badan oo kala duwan. Kuwaasi waa boosaskii ugu danbeeyey WCELI oo aanu hadda qoranayno. Waxaanu naawilaynaa qoritaano dheeraad ah marka ay soo dhawaato furitaanka xarunteena Educare jiilaalkan.
Macluumaadka dheeraadka ee laba boos waxa laga heli karaa www.psesd.org iyo www.wceli.org.
|
|
Midhaha Guusha Cusboonaysiinta |
Imtixaanka hawsha ee la bedelay ee Midhaha Guusha ayaa ku soo dhaw xidhitaan Diisambar 31, 2009. Bixiyayaashu waxay heli doonaa qiimayntii ugu danbaysay gudaha Janaayo. In kasta oo imtixaanka hawsha uu dhamaanayo, waxaanu u haynaa war fiican ka-qaybgalayaasha. CCR waxay ka heshay oggolaansho deeq-bixiyayaasha in loo sii wado adeegyada hadda la siiyo ka-qaybgalayaasha ee imtixaanka hawsha illaa Juun 30, 2010. inta u dhaxaysa Janaayo iyo Juun, qiimeeyayaashayda, maalgeliyayaasha iyo shaqaalaha barnaamijku waxay dib u fiirin doonaan xogta oo waxay baadhi qodobada dib u habaynta ee Qiimaynta Tayada “Seeds to Success Quality Rating and Improvement System (QRIS)”. Heerka hadda waxaan rajeynaynaa inaan si buuxda uga hawgelino bixiyayaasha White Center qiimaynta la hagaajiyey ee QRIS. Waad ku mahadsantihiin ka-qaybgalka! |
|
Educare Early Learning Hub: Construction Update |
|
|
|
Educare waxa lagu qiimaynayaa iyada oo qayb ka ah daraasad qaran oo ay isku soo dubarideen Jaamiacadda “University of North Carolina’ oo ay ku jiraan buqcado ka kala taagan daafaha dalka. Gudaha White Center, qiimaynta waxa lagu qabanayaa Xarunta Caafimaadka Maskaxda Dhallaan ka iyo Korriinka ee Jaamicadda Washington. Kooxdxa UW team waxay dhawaan soo gebogebeeyeen sannadkii hore ee ururinta xogta, oo lagu qaatay qiimaynta iyo gargaarka macalimiinta, shaqaalaha taageerada qoyska, iyo qoysaska siday u baran lahaayeen daraasadda. Natiijooyinka hore ee qiimaynta e ka socda barnaamijyada kale ee Educare ee siinayey adeegyada muddo waxay muujinayaan natiijo ididiilo leh diyaarinta carruurta halista ku jirta min dhalashada illaa aha nee guul aqooneed gaadhaan marka danbe. Waxaan filaynaa inaan ku guulaysano natiijooyin noocaas oo kale ah marka buqacadeena si buuxda looga shaqaysiiyo oo shaqadeena qiimayntuna waxay inaga gargaari hagaajinta si joogto ah adeegyada aan siino carruurta iyo qoysaska. Buqcadda White Center waxay muunad u noqon doontaa buqcadaha kale ee Educare si ay uga bartaan sida si guul leh looga hirgeliyo muunadda Educare luqad ahaan iyo dhaqan ahaan bulsho kala duwan. Waxa kale oo aan ka fekiraynaa si macno ku fadhida ee loo hirgelin lahaa qiimaynta iyo natiijada fasalada kala duwan. Waxaan aaminsanahay in hawsha waxbarashada hore in aan ugu faa’iidaysan doon waxbaritaankeena halkan. Waxaan ku faraxsanahay sannad soo socda, oo waxaan u mahad celinaynaa shaqaalaha Educare iyo qoysaskooda doorka muhimka ah ee ay ka qaateen daraasadab. |
|
![]() |
||
|
||